Monday 18 April 2022

.Horudhaca: kulanka wayn Liverpool vs Manchester United - wararka labada koox ,waxyaabaha ka cusub iyo ,sadร sha kulanka





Laba koxood oo ka mid koxaha ugu waawayn horiyaalka Ingariiska oo u kala dagaallamaya boosas kala duwan oo dhammaadka xilli-ciyaareedkan laxaqiijin doono ayaa iska hor imanaya caawa iyadoo Liverpool ay garoonkeeda Anfield ku soo dhawaynayso Manchester United kulan ka tirsan Premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ciyaartan ciyaari donto iyago goostay tikidka finalka FA Cupka, halka Red Devils ay guul muhiim ah kaso gaartay kooxda Norwich  bilowgii isbucan markaas uu halyaygoda CR7 uu sadaxleey u ansixiyey.
Mutd Guushii ay ka gaareen kooxda loo saadaalinayo heerka labaad ee Norwich waxay ka dhigan tahay guushoodii labaad oo ay ka heleen siddeedii kulan e u danbeysay dhamaan tartammada intii lagu jiray xilli ciyaareedka liitay oo ay ku jireen Man United, in kastoo, tan iyo bishii December ay shabaqooda ilaashadeen kulumada Premier League - laba guuldarro oo xiriir ah ayaa ka soo gaartay kooxaha ay xafiiltamaan. Manchester City iyo Everton.

Mid ka mid ah taageereyaasha Red Devils uma baahna in la xasuusiyo ceebtii 5-0 ee Liverpool ka soo gaartay bishii October, sidaa darteed waxaa hubaal ah inay aargoosi maskaxda ku heyso isbuucaan, laakiin waxay ku guuldareysteen inay diiwaangeliyaan guul ay ku gaaraan Anfield. tan iyo 2016 halka hal mar okliya ay soo taabteen shabaqa kooxda ay xafiiltamaan (Liverpool)lixdii kulan ee ugu dambeysay.
Kulumadii udanbeyey oo ay soo ciyaareen labada kooxod iyo natiijoyinkii ay soheleen.

Liverpool Premier League form:
  • W
  • W
  • W
  • W
  • W
  • D

Liverpool form (all competitions):
  • W
  • W
  • W
  • D
  • D
  • W

Manchester United Premier League form:
  • D
  • L
  • W
  • D
  • L
  • W

Manchester United form (all competitions):
  • L
  • W
  • L
  • D
  • L  

_Waxyaabaha ka cusub laba dhinac.

Liverpool ayaa cabsi yar kala kulantay Diogo Jota ka hor semi-finalka FA Cup, laakiin weeraryahanka reer Portugal ayaa taam u ahaa inuu bedel ku soo galo garoonka Wembley ka dib markii uu dhaawac soo gaaray.

Klopp ayaa sidaas darteed la filayaa inuu la shaqeeyo koox taam ah mar kale, waxaana ay u badan tahay inuu isku shaandheyn doono safkiisa 1aad ee kooxda (lineup) iyadoo Joel Matip la filayo inuu u soo laabto booskii Konate, uu ciyaarey kulankii FA CUPKA.
Jordan Henderson ayaa sidoo kale buuxin kara booska Naby Keita ee khadka dhexe, Roberto Firmino oo si fiican u nastay ayaa daqiiqado dheeri ah ku yeeshay weerarka isagoo labo gool ka dhaliyay kulankii Champions League ee ay dhawaan la yeesheen Benfica.

Taas bedelkeeda, Man United waxay haysataa tiro ciyaartoy ah oo boosas ku leh qaybta caafimaadka, iyadoo Rangnick uu mar kale kamaqnaan doonan khadka dhexe ee Fred (sinta) iyo Scott McTominay (cagaha) labadoodaba mar kale waa ay maqnaan doonaan.

Weeraryahan Edinson Cavani iyo daafaca bidix Luke Shaw ayaa hubaal ah inay garoomada ka maqnaan doonaan ilaa ugu yaraan bisha May, iyadoo luke show ay haatan aad ugu adag tahay inuu soo laabto ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Warar been abuur ah ayaa sheegaya in Mason Greenwood uu ku soo laabanayo tababarka kooxda koowaad ee Red Devils – weeraryahanka ayaa weli ganaax ku maqan kooxda – laakiin dhanka wanaagsan, Raphael Varane ayaa fursad u heysta inuu ku soo laabto safka 1aad ee kooxda kulanka maanta. 

Ma noqon doonto wax la yaab leh in la arko Rangnick oo soo bandhigaya Aaron Wan-Bissaka iyo Nemanja Matic si ay u xoojiyaan difaac adag.
Bruno Fernandes ayaa shil baabuur galay Isniintii, laakiin ma uusan soo gaarin dhaawac halis ah, waxaana uu ganaax ku maqnaan doonaa inuu ka qeyb qaato tawabarka Talaadada.

Safka macquulka ah ee Liverpool:
Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Firmino, Mane

Safka macquulka ah ee Manchester United:
De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles; Matic, Pogba; Elanga, Fernandes, Sancho; Ronaldo

_Saadasha kulanka
--------------------------------

 Saadasha anaga dhankena ah : 

Liverpool 1-1 Manchester United

Adigana saadashada qeebta hoose ee commentiga nagula wadaag mahadsnid ๐Ÿ‘

Community Verified icon

Wednesday 16 March 2022

BIG BREAKING NEWS ๐Ÿ˜ณ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

.


5 ciyaartoy ayaa laga saaray qaranka, kuwaas oo noqon waayay dooqa macalinka, tababar adag oo ay sameeyeen, shaqo badan oo ay qabteen si ay calanka u matalaan, uma noqon.

Kama dhigna inuu waayahoodii xulka dhamaaday balse waxey heli doonaan fursado kale.

Waxaa la ogol yahay liis xadidan, markaad ciyaartoy tahay waxyaabahaan oo kale waxey ka mid tahay nolosha.

Tayada ayaa mar walba ka muhiimsan tirada, waa xiddigo xulka anfici kara hadii tiro badan la ogolaan lahaa.

Waxaan rajeynaa iney mar kale heli doonaan fursadooda ✋๐Ÿฝ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Magacyada wali ma wada helin, waanse idiin soo gudbin doonaa dhawaan ✌๐Ÿฝ


#HereWeGoOceanStars

Monday 14 March 2022

Xaalada United ka jirto ka hor kulanka Atletico.

 Kooxda united ayaa aad uga walaacsan qaar kamid ah ciyaartoydoda oo u covid19 ku dhacay walina an so kabanin.

Xidigaha u haleyey xanunka covid19 waxaa kamid ah Bruno Fernandez iyo Luka show.labaadaas xidig ayaa muhiim u ahaa kooxda maqnaashahodana dhabar jab wayn ayey kutahay kooxda.

Hasa ahaatee macalinka kooxda mutd oo hadalay ayaa yiri baaritaanka bruno lamarinayo waxaan rajaynenaa inay kaso baxdo jawab wangsn .United ayaa taladada wajihi doonta kooxda atheletico Madrid kulan katirsan uefa champions league wareega 16ka.


Sunday 13 March 2022

Taagerayaasha kooxda psg oo ka ilmaysiyey messi.




. Kooxda kubada cagta ee psg ayaa galabta gaartay guul 3-0  kulan katirsanaa horiyalka liga 1 oo ay wajaheen kooxda lagu magacaabo Bordeaux.

Kulan kooxda psg waxaa u ciyaareyey xidigahooda waa wayn sida messi,naymar,iyo mpape.

Psg golasha waxay kakala heshey mpape


, naymar iyo parades.

Hase ahaatee waxaa la arkayey jamaahiirta kooxda psg oo ku oorinaya xidigahooda messi iyo naymar waxaa la arki karay messi iyo naymar marwalba oo ay Kuba taabteen in lagu oorinayey.

Waxaa lafahansanyahy in taageraysha ay aad uga niyad jabsanyhiin guuldaradii todobadkii hore kaso gaartey kooxda real. Guuldaradaso ahayd midii psg ka ciribtirtay tartanka uefa champions league.

Saturday 12 March 2022

Daawo goalkii quruxda badnaa ay dhaliyeen ocean stars๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ’™⚽️


 

Sadaxleydii cr7 kutuurtay, united oo dib ugusolaabatay booska 4aad kalasaraynta horiyalka , liverpool oo culeeska kusii badisey man city kadib guushii ay ka gaareen Brighton.







 .Cr7 ayaa qaatay dhamaan ciwaanada majaladaha kadib marki uu sadaxleey dhaliyey kulankii ay manutd wajahday dhigeeda spurs.

United ayaa guul 3-2 ah ka gaartay spurs ciyaar katirsaneed horiyaalka English premiere league sadaxda goal ee ay dhalisey kooxda united waxaa u ansixiyey xidigoda cr7 iyadoo sadax goal caawintoda ay lahayeen xidigaha kala ah. Fred,Sancho,iyo telles.

Halka kooxda spurs 2goal ay dhalisey ay ahaayeen penalty u udhaliyey xidigooda Kane iyo kama goal u iskadhaliyey Harry maguire.

Guusha manutd ay gaareen waxay kadhiganthy in ay kusolaabten kalinta 4aad kalasareynta horiyaalka 29kulan oo ay ciyaareen 50 dhibic ayey leeyihiin waxayna 2 dhibcood kasareyaan arsenal oo 4kulan gacanta kuhaysato booska 5aadna  kujirta.

Dhankakle kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah gaartay culeeskana kusiibadisey mancity kadib 3dhibcood ay kaso qaateen Brighton oo ay Marti u ahaayeen kulankatirsan eplka 

Liverpool ayaa gaartey guul 2-0 ah labada gool waxay kakala heleen xidigahooda kala ah Diaz iyo salah. 

Liverpool guushan waxay kagadhigantahay mid muhiim u ah madaama ay soo yareyen Farqiga u dhaxeyay iyaga iyo mancity oo ahaa 6 dhibcood haatan ay kadhigeen 3 dhibcood Liverpool waxa ay leedahay 66 dhibcood 28kulan o ay ciyaareen halka mancity ay leedahay 69 dhibcood 28kulan oo ay ciyaareen.

Somalia๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด vs young Africans ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ฟ⚽️


 Sidaan ognahayba xulka qaranka Somalia ayaa ku guda jiro isdiyaarintii udanbeysay  wareega 1aad ee isbreebreebka koobka qaramada qaarada Africa ee lagu qaban doono dalka evorycost 2023
.

.Caawa saacada marka aytahay 7:00pm bariga Africa qaranka somali ayaa ciyaari dona midkamid ah labadiisa kulan ee is diyaarinta kahor labada lug ee isreebrebka koobka qaramada Africa oo  ay laciyaari donaan qaranka  eswatini.

.Qaranka Somalia ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด ayaana caawa wajihi doona kooxda kaciyaarta heerka kowaad ee Tanzania ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ฟ  laguna magacaabo young Africans ahna kooxda hogaaminaysa horiyaalka heerka 1aad ee dalkas sidoklena ah kooxda ugu guulaha badan dalkas. 

.23 ciyaaryahan ayaa ilaa hada jooga Tanzania oo uu isku diyaarinayo qaranka Somalia sida laqorsheyeyna uu kuciyaari doono kulanka homeka ah.waxaa Wali lasugayaa 10ciyaaryahan ee liiska kadhiman.

.Sida lafilayo Adam tv ayaa laga daawan doonaa kulanka waxaa kulanka sugaya dad badan oo daneynayo inay arkaan xidigaha matali doona qarankooda ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

.Sidokle aqbaaradka ciyaarta ayan idin so socodsiin donnaa haduu eebe karaali noqdo insha allah .

#Oceanstars ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด




.Horudhaca: kulanka wayn Liverpool vs Manchester United - wararka labada koox ,waxyaabaha ka cusub iyo ,sadร sha kulanka

Laba koxood oo ka mid koxaha ugu waawayn horiyaalka Ingariiska oo u kala dagaallamaya boosas kala duwan oo dhammaadka xilli-ciyaareedkan l...